November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Shabakad internetka ku kireysa huteelada caalamka oo markii ugu horeysay ku dartey kuwa Somalida

Shabakada la yiraa Jovago.com oo internetka ku kireysa huteelada caalamka ayaa huteelada Somalida ku dartey bogeeda oo hadda qofkii raba in uu kireysto huteel wuxuu si toosa u galayaa shabakadaas kana kireysan karaa qol ama qolal huteelada ku yaala Somaliya siiba Muqdisho.

Talaabadan ayaa timi kadib markii dalku iska xoreeyay argagixisada shabaab taasina ay keentay nabadyar iyo deganaansho iyo waliba in magaalada caasimada ay ka bilaabanto dib u dhis ay keentay nabada soo noqotey.

Dhinaca ayay shabakadani u tilmaantey in ay tahay iyadoo caasimada laga hirgeliyay aalada internetka ee xawaarihiisu dheereeyo ee loo yaqaan FiBRE kaas oo laga furey Muqdisho sanadkii hore horaantiisii.

Mansoor[1]

Sawirka kore waa huteel Mansoor oo u yaal caasimada Muqdisho

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM