X

Shacabka Jubooyinka oo dalbadey in Kiiniya laga saaro dalka: SAWIRO

Waxa maanta is rasaasayn kooban dhexmartey ciidanka Somaliya iyo kuwa Kiiniya kadib markii ciidanka Kiiniya sameeyeen xad gudub weyn. Dad aad u cadhaysan ayaa banaanbax ka dhigey tacadiga ciidanka.


Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay fagaareyaal kala duwan ayaa dalbanaya in ciidanka Kiiniya oo hadda la safan argagixisada laga saaro saaro dalka. Tacadigii u dambeya ayaa Kiniya ka gaysatay deegaanka Ceel-waaq.

Kiiniya oo ka faaiideysanaysa burburka dalka ay qaybta ka tahay ayaa sii kordhisay dilaka iyo Kufsiga ay kula kacdo shacabka Jubooyinka, ayadoo samaysatey maamul kabaha u qaada, xoogna ku fadhida magaalada Kismaayo iyo deegaano kale.


Degmooyinka ay dibad-baxyadu ka bilowdeen waxaa ka mid ah, Baardheere, Beled-Xaawo, Ceelwaaq iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka Gedo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.