Shacabka Muqdisho iyo ummada Somaliyeed oo u istaagey xasuuuqii kooxda gaalaynta Muslimiintu u gaysatey dadkeena maanta oo kale sanadkii hore 14 Oktoober. Xasuuqaas dhiigmiiratada ayaa waxa ku nafwaayay ilaa 550 qof.
Waxa aan la tirin karin inta ku naafowdey iyo inta welli u jiifta dhaawacyadii ka soo gaaray. Waxa jira boqolaal qoys oo ku waayay dadkii ay ugu jeclaayeen.
14-ka Oktoober ayaa gashay maalinta ugu madow ummada Somaliyeed mana dhicin in gumeystaha loo dabaaldegaa uu intaa inaga diley ama sidaas inoo xasuuqey.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas.
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=5LuTjz8weWo[/embedyt]
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay