X

Shaqaale ku kacay musuqmaasuq cad oo shaqada laga joojiyay

Shaqaale ku kacay musuqmaasuq cad ayaa shaqada laga joojiyay. Shaqaalahan ayaa sameeyay shaatiyo been abuura oo lagu kireeyay meelo ganacsi.



Guddoomiyaha ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo qeybta Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka in ay soo xiraan xarumaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been abuurka ah, iyadoo uu ku amray in ay la socdaan xarumahaas. Sidoo kale Madbacadii sameysey tiimbaraha been abuurka ah iyadana waxaa laga hakiyey shaqada inta baaristu ku socoto.



“Waxaan kula dardaarmayaa ganacsatada Gobolka in ay hubiyaan sharciyada ganacsi ee ay heystaan, sababtoo ah shatiyada been abuurka ah waa dambi weyn qofkii lagu qabtana uu ku muteysanayo ciqaab iyo ganaax aad u adag.” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.



Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay ganacsatada aan heysan shatiyada in ay si deg deg u sameystaan, maadama Maamulka Gobolku ay si adag uga hortagi doonaan gobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah loo furtay.

admin:

This website uses cookies.