Shaqo joojin lagu sameeya agaasimaha wasaarada ganacsiga. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir ayaa lagu sheegay in Shaqo joojin lagu sameeyey Agaasime Cabdillahi Xiyir Ducaale.
Masuulkan ayaa lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo sida warqada ku qoran in uu horjoogsanayo in lala dagaalamo musuqmaasuq ka jirta wasaarada.
Maxamed Cabdi Xaayir ayaa sidaasi awgeed waxa uu xilka ka qaadey Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo agaasimaha waaxda ganacsiga C/qaadir Cusmaan Maxamed.
Masuulyiinta xilka laga joojiyay waxa lagu bedelay masuuliyiin kale inta baaristu socoto.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay