Riyaad–Sacuudiga oo ay ka taliyaan urur diimeedka ugu taajirsan aduunka ee salafiyiinta ayaa waayay cid soo codsata shaqooyin ay mudo hore soo dhajiyeen kuwaas oo aduunku ka qayliyay. Shaqooyinkan ayaa mudo yaalay xarun shaqooyinka lagu soo dhajiyo oo ka tirsan wasaarada diinta waxase aan jirin cid soo codsatay.
Wasaarada Awqaafta ee Dalka Sacuudiga ayaa bartooda Internet-ka waxay kusoo ban dhigeen 8 shaqo oo ka banaan Wasaarada. Shaqooyinka banaan oo ah 8 boos ayaa waxay ka banaan tahay Waaxda Disha Dadka dilka lagu xukumo Dalka Sacuudiga.
Shaqada banaan ayaa ah Dadka Dadka qoorta uga jara Seefta. Sharuudo dhowra ayaa lagu xirey qofka soo dalbanaya shaqadaan oo ay ka mid tahay inuu qofku xoog weyn leeyahay,uuna yahay geesi.
Sucuudiga ayaa ah wadamada ugu cadaalada xun isla markaana dadka loogu dilo si foolxun iyadoo maydkooda laga soo daldalo jidadka taas oo aduunka Muslimka ah ka qayliyeen sida sawirka hoose oo ah Yamani la dilay kadibna maydkooda wadada la sudhey sidii hilibka.
Fadlan LIKE saar bogga ARAABINEWS.COM/FACEBOOK
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay