November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Shariif Xasan oo Sucuudiga ku taageeray dagaalka uu kula jiro Qadar

Shariif Xasan ayaa Sucuudiga ku taageeray dagaalka uu kula jiro Qadar. Waa maamul jufeedkii labaad ee taageera Sucuudiga weerarka urur duiimeed ee ay kula jiraan Qadar oo iyagu ah akhwaan muslimiin.

Lama garan karo waxa uu ka filayo Sucuudiga iyadoo dawladaha Sucuudiga iyo Imaaraadku ay khalkhal siyaasadeed ka wadaan Somaliya oo fiqiira oo ayna rabin in ay lugaheeda ku istaagto.



“Dowladda Koonfur Galbeed waxa ay cadeynaysaa inay garab taagan tahay go’aankii ay qaateen Dowlada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ku aadan Dowladda Qatar.” Ayaa lagu yiri Warka.



Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Axmed oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inuu sax yahay warka ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ayna taagerayaan Dowladaha Khaliijka go’aankii ay qaateen.



Go’aankaan ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbed, ayaa culeys hor leh wuxuu ku noqonayaa Dowladda Federalka Somaliya, maadaama Dowladda ay horay u qaadatay go’an dhexdhexaad ah.

Qoraal Af-Ingiriisa ayaa sidan hoose u qornaa

 

 

 

Soo akhrintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS