X

Sheekada Xasan Sheekh waa saaxiibkaa saaxiibkiis waa cadowgeyga

Sheekada Xasan Sheekh waa saaxiibkaa saaxiibkiis waa cadowgeyga. Waxa maanta Xasan Sheekh booqasho ku tagey Kismaayo oo uu in muddo ah diidanaa maamulka Kiiniya wadato haddana lagu qasbey inuu sameeyo oo ogolaado.


Xasan Sheekh oo maamulka ku fashilmey hadana masuul ka ah maamul xumada ka jirta dalka min Puntland ilaa Kismaayo, wuxuu hormuud ka yahay mucaarad bilaa Jiho ah oo diidan dawladnimada.


Waxa dad badan is weydiinayaa Axmed Madoobe maka dhaadhicin karaa inuu amarka qaato maadaama Kiniya uu dabada ku hayo. Jawaabtu waa maya.

Marka ha oran Xasan Sheekh ayaa Kismayo si lagu soo dhaweeyay ee sheekasdiisu waa saaxiibkaa saaxiibniis waa cadowgeyga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.