X

Macquul ma tahay in shirkadii Somali Airline dib u howl gasho

Tan iyo Sannadkii 1991-dii Xilligaasi oo ay Burburtay Dawladii dhexe ee Soomaaliya waxaa Somaliya ka Hana qaaday Shirkado Badan oo diyaaradeed Kuwaas oo gaar Loo leeyahay Ilaa hadana Haya adeegyadii ay Somali Airlines u Qaban jirtay Bulshadda Soomaaliyeed iyo Kuwa ajaanibka ahba.


Mudooyinkii u danbeeyay Dawladda Federaalka somalia waxaa ay wadday dedaalo ay ku doonayso in dib loo bilaabo duulimaadyadii ay dunida ka samayn jirtay shirkadii Diyaaraddaha ee Somali Airlines.

Duulimaadka ugu horeeya ayey wasaaradda Duulista hawada Somalia Xaqiijisay in ay ku tegi doonto Magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.


Hadaba waxaanu Halkan idiin kusoo Gudbin donaa Taariikh Koobaan oo ku saabsan asaaskii iyo Duulimadyadii ay Dunida ka Samayn jirtay Shirkadii Diyaaradaha ee Somalia Airlines.

Shirkadda Diyaaradaha ee somalia Airlines waxa la aas aasay Sannadkii 1964-kii afar Sanno Kadib Markii Dadka Soomaaliyeed Xoriyadda ka Qateen Gumaystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Shirkaddu waxaa ay qaban Jirtay Adeegyo Duulimaad oo ay Ku tagi Jirtay, Meelo badan oo Kamida Daafaha Dunidda iyo Dalka gudihiisaba.


Noocyadda ay Ka koobnayeen Diyaaradaha Somali Airlines ayaa Kala ahaa Boeing 720B, Boeing 707-300, iyo Airbus A310-300, Waxaana ay Laamo Kala Duwan ku Lahayd Wadamada yurub iyo Bariga dhaxe.

Shirkadda Somali Airlines waxaa (100%) Mulkiyadeeda Lahayd Dawladii Soomaaliya Hase ahaatee aas aaskeeda 1964-kii waxaa Saami ku Lahayd shirkad Lagu Magacaabo, Alitaliya, oo Laga Lahaa dalka Talyaaniga taas oo markii danbe Dawladda Soomaaliya ka iibsatay Saamigii ay Ku Lahayd Shirkadda.


Mudo yar Markii ay Jirtay shirkadda Somali Airlines Dawladda Maraykenka ayaa Soomaaliya ugu Deeqday afar Diyaaradood oo ahaa Nooca Douglas DC-3.

Caqabadihii ay La Kulantay Mudadii ay shaqaynaysay.

Dawladda Kenya ayaa Diyaaradaha Shirkadda Somalia Airlines ka Mamnuucday Hawadda Dalkeeda, Kadib markii ay shegeen in Radiyo Muqdisho Ka baahisay Dacaayad weerar Ku ah Madaxwaynihii Xiligaasi Maamulayey Dalka Kiiniya Jomo Kenyatta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.