X

Shiinaha oo dadkiisa ka dalbaday in la dhalo caruur badan

Shiinaha oo muddo dheer lahaa siyaasad ah in dadkiisu hal ilmo ka badan dhali karin ayaa markii dambe u bedelay laba ilmo, haddana wuxuu leeyahay caruurta hala badiyo. Haddaba maxaa is bedelay.

Shiinaha waxa ku nool 200 oo milyan oo da dhexe ah oo aan haysan haween ay guursadaan, waxayna inta badan aadaan dalalka u dhow si ay u guursadaan. Waxa kale oo aad u yaraaday dhalinyarada dalka horumarin lahaa.

Siyaasadii foosha xumeyd ee hore waxay keentay in dalku isku dheeli tirmi waayo ayna yaraadaan dadkii wax saari lahaa. Haddaba si loo dabaalo baahidaas jirta ayaa dabolka laga qaaday in la fasaxo dhalmada caruurta badan.

Waxase iyana meesha taala in dadkii ay la qabsadeen caryyrta yar oo ayna hadda diyaar u ahayn inay caruur badan dhalaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.