X

Shiinaha oo ka hadlay munaafaqada Maraykanka ee gantaalkii badda ku dhacay

Shiinaha ayaa si kulul uga hadlay munaafaqada Maraykanka iyo saxaafada reer galbeedka oo si weyn iyo cabsi uga hadlay gantaalkii xumaaday ee Shiinaha ee ku dhacay badda ay u yaqaanaan Hindiya.

”Waa munaafaqad in gantaalkayagii aan waxba gaysana ay buun-buuniyaan koodii bil kahor ku dul dhacay beerna loo qaado heeso wadaniya ayay tiri afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibedda ee Shiinaha.

Aakhirkii bishii Maarso ayaa gantaal ay u bixiyeen Falcon9 oo qayb ka soo dhacday ay waxyeelo weyn u gaysatey beer u dhow caasimada Waashintan, waxase loo qaaday heeso wadaniya. Waxa hoosta laga siiyay magdhow ninka beerta lahaa caradiisii gubaey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.