X

Xamaas oo gantaalo ku garaacay Quds iyo khasaare Yuhuudu qiratey

Ururka Xamaas ee akhwaanu Muslimiin ayaa gantaalo ku garaacay Quds qaybta Yuhuudu xooga ku boobtey kadib markii qalalaase ka bilowday Yuhuuda oo rabta inay masaafuriso Falastiiniyiinta leh Quds.


Yuhuuda hadda dhulka reer Falastiin ayaa laga so masaafuriyay Yurub dagaalkii labaad ee adunka waxana dhulkan sioo dejiyay Ingiriiska ilaa markii dambe la hubeeyay sidaana ku qabsadeen dhul farabadan o Carabtu leedahay oo ay ku jirto Quds.


Yuhuuda ayaa qiratey in gantaaladu waxyeelo u gaysteen guryo badan waxayse diideen inay faahfaahin kale bixiyeen. Falastiinta ayaa sheegay in duqayn Yuhuudu ka gaysatey Qaasa ay ku dhinteen sadex caruura.


Gantaalada XAmaas ayaa sido kale duqeeyay magaalooyin kale oo Yuhuudu ku badan tahay taas oo ku keentay cabsi iyo kala carar xoogan.

Gantaalada ay soo tuuraan Xamaas ayaa shiishkoodu sii fiicnaanayaa maalinba maalinta ka dambeysa. Yuhuuda ayaa kibir awged hadda diidan in Falastiintu ku tukadaan masjid Al-Aqsa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.