20/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Shiinaha oo saldhig ka furanaya Kiiniya xilli Maraykanku Taywaan keenay Somaliya

Dawlada Shiinaha ayaa la sheegay inay eegayso inay saldhigyo milatari ka furato Kiiniya iyo geeska Afrika xilli Maraykanu keenay Taywaan Somaliya gaar ahaan maamulka Somalilaan. Taywaan ayaa sheegtay in Maraykanku ka dambeeyo xafiiska ay ka furatay Hargeysa. Waxay sheegeen inayna weligood maqal Somalilaan.



Haddaba Shiinaha oo saldhig ku leh Jabuuti ay u joogaan ciidanka badda iyo madaafiic ayaa eegaya inuu saldhigyo ka furto Kiiniya iyo Tansaaniya. Maraykanka ayaa saldhig milatari ku leh Kiiniya uu kala dagaalamo argagixisada Shabaab kuna ilaashado danihiisa.

Shiinaha oo ah dal aad u xoogweyn dhinaca dhaqaalaha rabana inuu casriyeeyo ciidankiisa ayaa la sheegay inuu qaaradaha aduunka intooda badan ka samaysan doono saldhigyo uu kula tartamo Maraykanka.



Gooni goosadka Taywaan ee Maraykanku dabada ku wato ayaa xafiis ka furtey Hargeysa. Waxay xitaa qariyeen magaca ay isugu yeeraan ayna ku soo koobeen wakiilka Taywaan ee Hargeysa. Wargeys ka soo baxa Taywaan ayaa sheegay in wakiil Muuse Biixi u direy Taywaan inuu isna berito oo Arbaca ah ka furayo qol kadib markii uu dhamaystey kaaraantiin uu ku jirey 14 cisho. Xirirkan ayaa iska ah i arka qaasatan Taywaan.

Dawladaha lagu sheegay warbixinta ayaa dhamaantood beeniyay inuu jiro saldhigyo noocaas. Waxase aan shiki ku jirin in Shiinuhu fiirinayo inuu saldhig ka furti Somaliya taas oo aad loo soo dhaweyn doono.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS