November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Shiinaha oo si cad u sheegay inuu la jiro Ruushka

Ayadoo ciyaaraha fudud ay ka bilaabmeen dalkaasi Shiinaha ayaa Shiinuhu ka hadlay xiisada uu abuuray Maraykanka oo dabada ku wata Ingiriiska gaar ahaan xaalad abuurka Yukarayn. Xiriirka u dhexeeya anaga iyo Shiinaha waa qotodheer yahay wuxuuna galay weji cusub ayuu yiri Buutin.



Shiinaha ayaa sheegay inay Ruushka la jiraan ayna ka horjeedaan in la sii kordhiyo ururka burburay ee Naato. ”Waxaanu leenahay naato haka waantoobaan inay isa sii fidiyaan ayay ku yiraaheen qoraal ay soo saareen.



Ruushka iyo Shiinaha ayaa meelo badan ka yeeshay iskaashi buuxa oo ay aad uga naxeen reer galbeedka siiba Marayanka iyo Ingiriiska. Meelaha ugu weyn ee ay iskaashiga ka sameeyeen ayaa waxa ka mida difaaca, tamarta iyo hawada.

Warkan Shiinaha ayaa waxa si xun uga naxay Maraykanka oo markiiba sheegay inay xiriir fiican oo shaqeeya la leeyihiin Shiinaha.

Rashiid ceelaanyo

ARAABINEWS