Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer gaar ahaan deegaanka Beer oo aan ka fogeyn Burco ayaa sheegaya in shil gaadhi oo halkaa ka dhacay uu sababay khasaare nafeed. Wararka ayaa sheegaya inay isku dhaceen bas iyo xaajiyad.
Waxa goobta ku dhintey laba qof sida ay sheegeen goobjoogeyaal halka dhaawacu marayo 14 qof. Dadkaas dhaawaca iyo kuwa dhintey ayaa loola cararay isbitaalka guud ee magaalada Burco.
Labadan gaadhi ayaa midna ku socday Caynaba halka kan kalana ku socday Burco. Shilalka inta badan dhulweynaha Somaliyeed ayaa waxa sababa dawlad la’aanta oo keentay inay gawaadhida kaxeeyaan dad qayra masuula.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS