X

Shil khasaare gaystey oo caawa ka dhacay Burco

Shil sababay khasaare isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeedba ayaa ka dhacay degmada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Shilkan ayaa waxa sababay gaadhi Toyota ah nooca Somalidu aadka u wadato ee Laan Kuruusal.


Gaadhiga Laan kuruusalka ayaa jiidhey gaadhi Hindiga loo yaqaan Bajaaj, waxana isbitaalka loola cararay wadaha gaadhigaas oo markii dambe la xaqiijay inuu u dhintey dhaawaca soo gaaray.

Shilalka ka dhaca wadooyinka gobolada ayaa inta badan waxa sababa wadayaasha oo ah qayra masuul aan lagu aamini karin kaxaynta gawaadhida.


Booliiska degmada oo gaadhay goobta shilku ka dhacay ayaa xabsiga dhigey ninka waday gaadhiga Laan Kuruusalka ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.