X

Shil qasaare gaystey oo ka dhacay gobolka Nugaal

Shil aad u foolxun oo qasaare gaystey ayaa Ka dhacay duleedka caasimadda gobolka Nugaal qaasatan deegaan lagu magacaabo Sinjiif oo qiyaas ahaan 50km u jira Garoowe. Sida caadiga ah waxa dhulka sababay dirawalada.


Gaariga rogmadey ayaa lagu sheegay nooca loo yaqaan Raada waxa halkaa Ku dhintey afar qof oo mid rag yahay sadexda kalana ay haween yihiin. Lama sheegin halka ay u socdeen. Waxa kale oo la sheegay in taliye Ku dhaawacmey.

Sholalka ayaa inta badan waxa sababa dirawalada oo qayr masuulka iyo maamulka horjooge Siciid Deni oo lacagtii lagu dayactiri lahaa wadooyinka fadhiga lagu siiyo xildhibaan Ku sheegyo aan la garanayn waxay qaybtaan.


Meydka dadkaas geeriyooday ayaa loo soo qaaday Garoowe si ay eheladoodu u aastaan. Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.