X

Maxaa ka soo kordhey diyaarad ku burburtey Kasakhistan iyo dhulgariir ku dhuftey Iiraan

Wararkii u dambeeyay diyaarad nooca loo yaqaan Fookar ayaa isla markii ay kacdeyba sii duuli kari weyday kuna dul dhacdey guri laba dabaqa oo dhisme Ku socday oo aan xilligaa cidi ka shaqaynayn. Diyaarada ayaa ka kacday caasimadii hore ee Almati kuna socotey caasimadda cusub ee loo bixiyay madaxweynihii hore ee dalkaasi ee Nursultan.


Waxa laga soo jiidey raqda diyaarada ilaa 9 caruura oo loola cararay isbitaal Ku yaala caasimadda. Dadka Ku dhintey ayaa ilaa hadda la sheegay inay gaaraysa 12 qof inkastoo dhaawaca la daadgureeyay ay xaaladooda xunyahay.


Lama sheegin in rakaabka wada ahaa dad u dhashay dalka iyo inay Ku jiraan ajaanib. Waxa badbaaaday laba qof.

Dawlada ayaa markiiba Ku dhaqaaqdey inay fadhiisisay dhamaan diyaaradaha Fookarka ah inta baadhitaanku socdo.

Dhulgariirka Iiraan

Dhulgariirka ayaa Ku dhigtey Koofurta dalkaasi Iiraan, waxayna xuduntiisu tahay meel aan Ka fogeyn warshada korontada Ka dhalisa nukliyeerka ee Busheer. Ilaa hadda dawlada Iiraan ma sheegin qasaare Ka dhashay dhulgariirkaas.


Sawirka hoose waa deegaanka Busheer ee ay Ku taalo warshada nukliyeerka

Iiraan ayaa Ka mida wadamada uu Ku badan yahay dhulgariirka, waxana dhulgariiradii u dambeeyay Ku dhintey tiro dada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.