X

Shilin Somaliga oo Laascaanood laga diidayo iyo banaanbax ka dhacay

Ganacsatada magaalada Laascaanood ayaa diideysa shilin Somaliga duugoobey ee magaalada sida qashinka uga buuxa. Shilin Somaligan ayaa inta badan la soo daabacdaa kadibna lagu bedeshaa lacag xalaala. Waxa markii ugu horeysay diidey shilin Somaliga horjooge Siciid Deni oo dalbaday in doolar uu wax ku cashuurto.


Waxa arintaa diidey dadka Butlaan waxayna abuurtey sicir barar kii ugu darnaa deegaanada horjooge Siciid Deni. Magaalada Burco iyo deegaanada kale ee maamulka Somalilaan ayaa iyagana lacagta  shilin Somaliga ah looga bedeshay mida buga oo ka sii daran.

Haddaba diidmada shilin Somaliga magaalada Laascaanood ayaa waxweyn u dhimaysa dadka danyarta oo shilin Somaligu faaiido u leeyahay maadaama ayna awoodeyn lacagta adag ee doolarka.


Waxase jirey in muddo in maamulka Somalilaan uu lacagta bugta uu rabay inuu keeno Laascaanood, taas oo dadku si adag u diidi doono.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.