Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey shir caalami ah oo looga hadlaayey arimaha ilaalinta xuquul insaanka. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay madexweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale wafdi ka socday dowladda Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu saaray ilaalinta xaquul insaanka, arimaha Bani aadanimada iyo sidoo kale dhowrida qaxootiga.
Madexweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka jeediyey khudbad dheer oo uu uga hadlaayey xaalada Soomaaliya iyo qoxootiga dawlada Kiiniya celinayso oo uu ku tilmaamay mid aan laysku ogeyn.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay