X

Shir uu madaxweyne Farmaajo u qaban lahaa Galmudug oo baaqdey

Shir uu madaxweyne Farmaajo u qaban lahaa maamulka burburka ku dhow ee Galmudug ayaa baaqdey. Shirkan ayaa waxaa si gaar ah loogaga doodi lahaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.


Shirkan ayaa inuu dib u dhac ku yimaado wuxuu ka dambeeyay kadib markii Horjoogaha xilka laga tuurey ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle uu ku gacan seeray baaqa Farmaajo, wuxuuna tilmaamay dhibaatada Galmudug in laga soo abaabulay madaxtooyada Soomaaliya.


Galmudug garabka uu hoggaaminayo madaxweyne kuxigeen Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa soo dhaweeyay baaqa madaxweynaha, waxayna dhankooda tilmaameen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya.

Horjooge Xaaf ayaa eedeeyay madaxda qaranka xilli xilka laga tuurey taas oo ka dhigan inuuna jirin maamul ay dadku oran karaan wuu matalaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.