X

Shirka Dhuusamareeb iyo noocyada doorasho ee miiska la soo dhigay

Waxa welli fadhiya magaalada Dhuusamareb madaxweynaha Somaliya iyo maamul jufeedyada qaar ka mida iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Waxa goobta lagu soo bandhigey nooca doorasho ee la qaadan karo.

Haddaba guddiga isku dhafka ee doorashooyinka ayaa soo bandhigey afar doorasho oo u baahan in la kala doorto


1) Doorasho dadban balse la badiyey tirada cod-bixiyeyaasha oo la gaarsiinayo ilaa 101 qof, taasoo ay ergada soo wada xulayaan oday dhaqameedyo iyo bulshada rayidku, taasoo qabsoomi kartaa ka hor Febraayo 2021-ka.

2) Tan 2-aad waa doorasho barxan oo isugu jirta mid toos ah (qof iyo cod) iyo mid dadban oo degaanada qaar loo asteeyey. Waxaana midan codaynaya dad ka badan 1,000,000 (Hal milyan oo qof), waxaana lagu soo dhameyn karaa ilaa Luulyo 2021-ka.


3) Doorashada 3-aad waa qof iyo cod balse waxaa loo codeynayaa qaab digital ah, waxaana ka qayb qaadanaya tiro gaaraysa ilaa 3 milyan oo qofood, iyadoo muddo 13 bilood ah diyaarinteeda ay qaadaneyso.

4-Nooca afaraad waa qof iyo cod balse waxaa la doonayaa inay is diiwaan gelinta iyo codeyntuba  dhacaan hal maalin, waxaa ka qayb qaadanaya 3-4 milyan oo qofood oo codkooda dhiibanaya. Waxay qaadan kartaa 9-12 bilood in la diyaariyo.


Waxa la rajaynayaa in hal doorasho laysku raaco sidaana ay ku dhamaato qaska doorasho ee ay bilabeen kooxda beesha caalamka sheegata.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.