X

Gaadhi qaraxyo ka buuxaan iyo argagixisadii waday oo la qabtey: SAWIRO

Ciidamada Danab ee sida aadka u tababaran ayaa ku guulaystey inay ummada ka qabtaan gaadhi argagixisadu ka soo buuxisay walxaha qarxa oo loo soo waday Muqdisho. Hawlgalkan ayaa laga fuliyay Shabeelaha hoose.


Gaarigan ciidamada qabteen oo nuuciisu ahaa Surf ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu xasuuqo muslimiin badan Ilaahse waa noo gacan geliyay intayna wax galaafan ayuu yiri tali Ismaaciil.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle  Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa Warbaahinta ciidanka dowlada u sheegay in gaarigan qaraxyada ka buuxeen iyo ragii la socday gacanta ku dhigeen Ciidamada Danab.


Sawirada hoose waa sida hawlgalku u dhacay

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.