X

Shirka doorashada oo kolba shuruudo cusub la hordhigayo iyo Rooble oo yaaban

Waxa maalintii sadecaad galay shirka doorashada ay ahayd in la saxiixo wixii hore loogu heshiiyay ee 17 Sibtambar iyo is fahamkii Baydhabo waxase marba marka ka dambeeya soo baxaya shuruudo cusub oo ka imaanaya kooxda XALANE.


Kooxda XALANE oo ilaa hadda isku haysta inay guul gaareen ayaa ilaa hadda saxiixin heshiiskii hore loo gaaray, waxana jira in kuraasta ISAAQA muran la geliyay oo Cabdi Xaashi rabo in isaga looga dambeeyo halka beelaha kale leeyihiin hal jufo ayuu matalaa keliya.


Si kastaba ha ahaatee shuruudahan kolba cusub ayaa dib u sii dhigaya xilliga ay dhici lahayd doorashadu. Ajaanibta diidan in madaxweyne Farmaajo isa soo sharaxo ayaa hoosta ka qasaya kulamaadan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.