08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Shirka IGAD ee Muqdisho oo Somaliland wajigabax xun kaga tagey iyo sababta

Madaxda ka qaybgalay shirka IGAD ee ka dhacay Muqdisho waxay qalinka ku duugeen midnimada iyo isku duubnaada dhulka Somaliyeed min Lawacado ilaa Raaskambooni.

Saaxiibada gooni goosatada Somaliland ayaa kun jeer ku waaniyay in ictiraaf ay ka raadiyaan dibedda uu dhamaadey ee ay ka raadiyaan Koofurta Somaliya kow iyo laba ururka IGAD kadibna ay u gudbaan midowga Afrika.

Hadaba warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka IGAD ee ka dhacay Muqdisho waxa qalinka lagu duubey una horeeyay in xadka Somaliya uu yahay laba taabtaan, midnimaduna ay tahay mid aan gorgortan lahayn.

Taasi waxay ka dhigan tahay in gooni goosatada Somaliland ay ka soo xirantey in waqti ku lumiso wadamada jaarka ee IGAD ee rajada u furan in ay tahay in Koofurta Somaliya wax ka raadsato lana saxiibto, ka joojiso argagixisada ay taageerto, kana rajayso in ay ka hesho ictiraaf ugu yaraan in ay si BEEL ahaana wax u tabanayaan ama siyaasiyiin ahaan wax u tabanayaan oo kuraas ka maqantahay.

Gooni goosatada Somaliland ayaa waxa u sahley in muddo dheer ay tiraa waanu go’nay iyadoo ayna jirin dawlad Somaliyeed oo dalka hanan karta, waxayse iyagu moodaan in sidaas ay faaiido ugu jirto, waxayse ogaadeen in taasi been tahay oo faaiido ay ugu jirto dawlad dhalata oo CAQLI leh.

Shirkan ayay wajigabax xun ku noqdey maadaama ay si mideysan u saxiixeen in ay jirto HAL Somali ah ee ayna jirin laba Somali ah, taas oo la filayo in madaxweynaha dambe ee Somaliya uu raaco.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS