X

Trump oo wejigabax kala kulmey qaramada midoobey iyo sida loo codeeyay

Trump ayaa wejigabax kala kulmey qaramada midoobey oo diidey aqoonsigii uu Qudus u siiyay Yuhuuda inay u noqoto magaalo madax. Intaan codka loo qaadin ayaa Trump u hanjabay wadamada uu u tuuro quudha.

Codkan qaramada midoobey ayaa yimi markii Trump ku xadgudbey Qudus oo Yuhuudu xoog kaga qabsatey Carabta oo fulin weyday amarkii Ruushka hore.



Qaraarka qaramada midoobey ku diidey Trump ayaa waxa haa u codeeyay 128 wadan oo ay ku jiraan wadamadii uu isku halaynay Trump ee saaxiibka dhow la ahaa Maraykanka.

Waxa ka aamusay 35 wadan oo Kanada iyo Migsiko ku jiraan. Waxaa diidey 9 wadan oo aanu ku jirin hal wadan oo awoodleh una badan jasiirado marka laga reebo Maraykanka iyo Yuhuuda.



Wadamada badankooda ayaa ka cadhoodey hanjabaad ka timi Trump oo ahayd inuu jari doono hanbada loo soo tuuro ee deeq ku sheegeen oo inta badan dalkiisa dib u gasha.



Codkan ayaa ka dhigin in Yuhuuda iyo Maraykanku ayna qaadi Karin talaabo wax ka bedelaysa Qudus oo hadda xoog ku haystaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.