Shirkada ayaa laga leeyahay Sweden waxayna dhegeysataa lahjadaha dadka waydiisanaya magangalyada waxana lagu qabtey nin luqadaha ku takhasusay oo Somali ahaa oo ahaa kuwa ka ganacsada maan dooriyaha hadana ka been sheegay darajadiisa ama aqoontiisa.
Ninkaas oo kiisas farabadan oo uu ka gudbiyay dad magangalyo raadsanayay la geliyay calaamatul suaal isagoo aan la rumaysan Karin waxa uu gudbiyay maadaama uu ka been sheegay aqoontiisa.
Shirkada ayaa loo gudbin jiray dadka mahangalyo doonka waraysiyada iyo codka la duubey kuwaas oo kadib soo gudbin jiray go,aan ah in qofkani yahay halka uu sheeganayo waxana inta badan ay isticmaali jitreen ninkan lagu helay in uu ka ganacsado maandooriyaha beena ka sheegay aqoontiisa.
Arbacadii warbixin laga sii daayay telefishanka Sweden ayaa looga hadlay gabadh Somali ah oo 12 jir ah oo ninkaa Somaliga ah sheegay in ay been ka sheegtay halka ay timi waxayna hadda sugeysaa in la dhoofiyo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS