Tuesday, August 16th, 2022
header










Meta







Shirkad ku shaqaysan jirtey dhegeysiga lahjadaha dadka magangalyada waydiisana reer Yurub oo laga shikiyay+WARBIXIN

QYLondon–Shirkada loo yaqaan Sparkab oo dawlada Ingiriisku lacag ku siiso dhegeysiga dadka raadinaya magangalyada ayaa hawsha ay qabatay laga shikiyay taas oo keentay in dad badan oo Somali ku jirto oo dalka laga dhoofiyay ama loo diiday qoxootinimo ay been ka sheegtay.

Shirkada ayaa laga leeyahay Sweden waxayna dhegeysataa lahjadaha dadka waydiisanaya magangalyada waxana lagu qabtey nin luqadaha ku takhasusay oo Somali ahaa oo ahaa kuwa ka ganacsada maan dooriyaha hadana ka been sheegay darajadiisa ama aqoontiisa.

Ninkaas oo kiisas farabadan oo uu ka gudbiyay dad magangalyo raadsanayay la geliyay calaamatul suaal isagoo aan la rumaysan Karin waxa uu gudbiyay maadaama uu ka been sheegay aqoontiisa.

Shirkada ayaa loo gudbin jiray dadka mahangalyo doonka waraysiyada iyo codka la duubey kuwaas oo kadib soo gudbin jiray go,aan ah in qofkani yahay halka uu sheeganayo waxana inta badan ay isticmaali jitreen ninkan lagu helay in uu ka ganacsado maandooriyaha beena ka sheegay aqoontiisa.

Arbacadii warbixin laga sii daayay telefishanka Sweden ayaa looga hadlay gabadh Somali ah oo 12 jir ah oo ninkaa Somaliga ah sheegay in ay been ka sheegtay halka ay timi waxayna hadda sugeysaa in la dhoofiyo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Dhiigmiiratada Shabaab oo qarxiyay ceel biyood kumanaan haraadsan

August, 15, 2022
Dhiigmiiratada shabaab ee ku qaraabata diinteena suuban ayaa ...

Reer galbeedka ku kibray Ruushka oo weecsaday qamadi Afrika u socday

August, 15, 2022
Wadamada Afrika ayaa cambaareeyay Qamadaiga Yukrayn ee heshiiska ...

Maxay Somaliya uga dhigan tahay doorashada Wilyam Ruuto

August, 15, 2022
Waxa mardhow lagu kala baxay doorashadii dalkaasi Kiiniya ...

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koofur Galbeed oo is bedel sameeyay

August, 15, 2022
Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Koofur Galbeed iyo ...

Siyaasadii qaranka meel ku sheeg ma waxay noqotey tuugsi?

August, 15, 2022
Waxa haba yaraatee aan jirin siyaasadii qaranku lahaa ...

Dhacdooyinka

Somali galbeed oo welli ka qatan mashaariicda waaweyn

August, 1, 2022
Inkastoo deegaanka Somali galbeed ay ka nasteen colaadii ...

Maxaa ugu wacan in Xasan Culusow sheegan kari waayo siyaasada qaranka?

August, 1, 2022
Xasan Culusow ayaa madaxweynaha Masar ee martida uu ...

Xulafada ka dhanka ah reer galbeedka oo wadamo Muslimiina ku biirayaan

July, 14, 2022
Sidii Maraykanka iyo kooxda uu hogaamiyo ay weerar ...

Ruushka oo sheegay in askarta Maraykanku ridayaan madaafiicda Yukrayn

July, 12, 2022
Kadib markii madaafiic lala eegtay suuq shacabku ku ...

Jarmalka oo Ruushka ka baryaya inaanu ka goyn gaaska xilli ay haysato

July, 12, 2022
Jarmalka ayaa ka mid noqday kuwa dabada haysta ...

Itoobiya oo kumanaan dadkeeda ah ka soo guraysa Afrika iyo bariga dhexe

July, 10, 2022
Wasaarada arimaha dibedda ee Itoobiya ayaa sheegtay inay ...

Ruug cadaa qarxiyay sir weyn iyo fadeexad haweenkii shilinka la siiyay

July, 10, 2022
Ruug cadaa Welli Xuseen ayaa qarxiyay haween masaakiina ...