X

Shirkada diyaaradaha ee Itoobiya oo bilaabaysa duulimaadyada Muqdisho

Shirkada diyaaradaha ee Itoobiya ayaa bilaabaysa duulimaadyada Muqdisho iyo Addis ababa bisha soo socota sida ay sheegeen afhayeen u hadlay shirkadaasi.


Itoobiya iyo Somaliya ayaanu jirin wax duulimaadyo oo toosa ila markii Somaliya xoreysa Somali galbeed laakiin ay gaagixiyeen xulafada awooda weynaa ee Midowgii Soofiyeeti.

Booqashada raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa horseeday jawi walaaltinimo maadaama Itoobiya marki ugu horeysay uu ka taliyo dad xaq u leh ahna qowmiyada ugu badan.


Duulimaadyada oo joogsaday muddo laga joogo 40 sano markaasa oo ku beegnayd markii Somaliya xoreysay Somali galbeed oo Ingiriisku hadyad u siiyay boqortooyadii XayleSalaase.

Itoobiya ayaa sheegtay in hawada Somaliya loo ogolaadey taasi oo keentay in diyaaradaheedu ka soo degaan Hargeysa.

Duulimaadyada ayuu sheegay afhayeenku inay codsadeen ganacsatada Somalida ayna noqon doonaan sadexdii usbuucba mar.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.