Waxa la soo gabagabeeyay shir badhasaabyada Somaliland uga socday magaalada Diridhaba kaas oo uu garwadaan ka ahaa madaxweynaha ismaamulka Somalida Itoobiya mudane Cabdi Maxamud Cumar iyo jananada jiida hore ee ciidamada Itoobiya qaarkood oo iyaguna joogey goobta. Ujeedada hore ayaa ahayd isbarasho halka tan ugu weyna ay ahayd la dagaalanka argagixisada.
Itoobiya ayaa xoog uga shikisan argagixisada Koofurta Somaliya oo Hargeysa iyo Burco ka dhigan rabta saldhig taas oo la rabo in laga hortago lana soo dhiibo inta ayna aafayn gobolada Woqooyiga. Waxana jira in arimo sidaasa laga gaaray horumar weyn.
Askarta ciidamada maamul goboleedka Somaliland ayaa iyaguna goobta ka xaadirey taas oo la barayay sida looga hortago argagixisada loona soo gudbiyo.
Waxa jiray in wasiirka gudaha ee Siilaanyo uu waydiistey in wax laga qabto kacdoonada ku kacsan gooni goosadka sida Suldaan Wabar iyo kuwa kale waxase loo sheegay in hawsha loo yimi ayna taas ahayn Itoobiyana shaqo ku lahayn arimaha gudaha ee Somaliya kaliya ay maamul goboleedyada la jaarka ah ay xoojinayso amaankooda marka la eego dhinaca xagjirnuimada.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay