21/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Shirkii beelaha Jibriil Yoonis (Samaroon) ee Harowo oo si habsami ah u socda yaase hogaamiye ah

Harowo–Shirkii beelaha Jibriil Yoonis (Samaroon) ee ka bilaabmey Harowo ayaa si habsami ah u socda iyadoo uu hogaanka u hayo Suldaan Wabar oo ah caaqilka guud beelaha Jibriil Yoonis. Shirkan ayaa bilowgii si hufan ku bilaabmey iyadoo ay jireen fikrado lays dhaafsanayo laakiin laysku raacay in halganka suldaanku xaq yahay.

Shirkan ayaa la garanay inta uu socon doono iyadoo siyaasiyiinta Siilaanyo uu biilo ayna joogin waxase ka buuxa suldaano yaryar oo labada dhinacna ku Jiri kara waxna ka cuna inkastoo shirka aan saxaafada loo ogolayn ilaa hadda.

Shirka ayaan la iclaamin goorta uu dhamaanayo iyadoo la filayo in ay ka soo baxaan qodobo. Waana shirkii ugu balaadhnaa ee beeshu yeelato ilaa intii uu bilaabmey halganka uu hogaaminayo caaqilkooda guud.

Dhinaca kale waxa jiray shir isla beesha ah laakiin ay qabsatay jufo iyaga ka mida oo isagana looga hadlay sidii horumar looga samayn lahaa deegaanada beesha. Shirkaas laftiisa ayaa lagu casuumay suldaanka guud ee beesha Suldaan Wabar.

Maxamed Yuusuf wararka gobolada Woqooyiga

ARAABINEWS