X

Shirkii dawladaha Islaamka oo ka furmey Turkiga iyo qaraar adag oo laga soo saaray

Shirkii dawladaha Islaamka ayaa ka furmey Turkiga iyo qaraar adag oo laga soo saaray kadib markii uu xagjir Trump Qudus u magacaabay Yuhuuda halka Qudus reer Falastiin u tahay caasimad.



Wasiirka arimaha dibedda ee Trukiga oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in dunidu aqoonsato sidaan anagu aqoonsanahay bin bariga Al-Qudus tahay caasimada reer Falastiin.

iIntaas kadib madaxda wadamada Islaamka ayaa isku raacay inay waxba kama jiraan tahay hadalka ka soo yeeray Trump. Waxa goobta an ka muuqan wadamada ku xiran xagjir Trump sidfa Sucuudiga.

Waxay aduunka kale u sheegeen inay aqoonsadaan in bariga Qudus uu yahay caasimada reer Falastiin ee la haysto. Waxay cadeeyeen in Maraykanku lumiyay dhexdhexaadnimadii beenta ahayd.



Waxay xooga saareen midnimada Muslimiinta oo ah tan maanta Musliminta halkaa dhigtey. Madaxweynaha Falastiin ayaa sheegay inayna la kulmi doonin madaxda Maraykanka inta at mowqifkaas aaminan yihiin kana codsaden QM inay kaalintooda qaataan.

Trump ayaa ku qosley madaxda halkan isugu una arka kuwa cada oo aan waxbna goosan Karin.

Waxa shirka ka soo xaadirey madaxweynaha Fiinasuweyla oo sheegay inuu jeclaaday inuu goobjoog ka ahaado sir macnoleh oo sidan.



Go’aanka shirka ayaa la filayaa maanta gelinkeeda dambe.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 


admin:

This website uses cookies.