X

Shirkii Dhuusamareeb oo khasaaro ka soo gaaray mucaaradka ku xiran ajaanibta

Kadib fashilkii shirkii Dhuusamareeb e maamul jufeedyada ee baaq loogu direy in madaxd qaranku shir ku qabtaan looga arinsanayo. Waxay waayeen mucaarad ku sheega ajaanibta ku xiran qodibo badan oo ay is lahaayeen waxay ka soo baxayaan shirkaas kooxda beesha caalamku wadatey.


Balse  Qodobada War-murtiyeedka Shirka maamul jufeedyada laga reebay ee maamul jufeedyada qaarkood doonayeen, waxaa kamid ah.

1. Saamilayda Siyaasada meesha laguma xusin waxayna cadaynaysaa in cid aan xil doorasha ku imaan aysan door kulahayn Hanaanka bilowga ah.


2. In guddoonka barlamaanka aan la casuumin iyada oo aan laxalin khilaafka labada aqal.

3. In aan laga hadal Afarta xeer ee Baarlamaanka aqalka hoose ee Golaha shacabka ansixiyey aan lasoo hadal qaadin inta hanaan doorasho oo la isla ogol yahay lawada qaadan.

4. Shirku ma go’aamin Nooca doorasha, keliya waxuu shirku xoojiyey inaan waqti xileedka dawlada la dhaafi karin.


Guuldarada kuwa sheegta mucaaradka ee ajaanibta ku xiran ayaa dibedda u soo baxdey. Hadda uma taalo waxay ku doodaan. Waxay hoos fadhiyaan madaxda qaranka iyo barlamaanka inay u hogaansamaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.