X

Dhacdo naxdinleh: sadex caruura oo ku dhimatey bohol biyo ku jiraan

Wararka ka imaanaya deegaanka Dayniil ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijay dhimashada sadex caruura oo u dabaal tagey dhul laga qodo ciida oo biyo fadhiisteen. Sadex ayaa ku dhimatey halka mid kale la soo badbaadiyay.


Goobtan laga qodadyo ciida ayaa ku taala xeradii war laliska ee idaacadii qaranka ee radiyo Muqdisho oo hadda isku bedeshay halka meelo kalana la bililiqaystey. Waxa baryahan ka da’ay Xamar roobab lagu diirsaday oo biyo dhigey.

Caruurta oo u dabaal tagey halkaas ayaa waxay ku dhaceen bohol dhiiqo miidhana, waxana adkaatey sidii ay dhiiqada isaga fujin lahaayeen ilaa ay la degtay sadex wiil oo ka mida halka mid kalana laga soo jiidey, ayadoo naftu ka bixi rabto.


Goobta uu godkan ku yaallo oo ah meel cidlo ah oo aysan ku badneyn dadka ayaa sidoo kale keentay in caruurtaas ay waayaan cid gurmad u fidisa.

Sawirada hoose waa goobta caruurtu ku dhinteen

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.