X

Shirkii Dhuusamareeb oo laga soo saaray qaabka doorasho ee dalka

Kadib markii madaxweynaha Somaliya iyo madaxda maamul jufeedyada ay wada qaaten shir socday sadex maalmood ayaa waxay isla qaateen in doorashada soo socota ay noqoto deegan doorasho.


Waxa ka qayb geli doona xisbiyada fuliyay shuruudaha oo hadda tirada ka batay, waxana doorashadu ka dhacaysaa meelkasta oo amni ka jiro oo ayna ku jirin maamul jufeedka Somalilaan.

Haddaba war murtiyeed uu madaxweynuhu la wadaagey dadka ayaa waxa ku qornaa sidatan

1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses)


2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.
3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta.
4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu
5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.
6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.
7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.
8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.
9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.
10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.
11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare.
12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.
13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada.
14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman.
15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka
16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.
17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.

Waxa intaas ka dambeeya waxa hawsha la wareegay guddiga madaxa banaan ee doorashada qaranka. Dabcan waxa iyagu diidey inay madaxda qaranka hor fadhiistaan Axmed Madoobe oo Kiiniya iyo horjooge Siciid Deni oo amar ka qaba Carabrta iyo Maraykanka.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.