X

Shirkii dibiro dhacsiga ee Garoowe oo soo xidhmey iyo dastuuurka diinta lidiga ku ah oo

Shirkii dibiro dhacsiga ee maalmahan ka socday Garoowe ayaa la soo xidhey kadib markii la dhameeyay hadaladii dibiro dhacsiga ahaa iyo qadooyin iyo quraac lagu cunay meesha. Waxa kaaga daran lacagta horjooge Siciid Deni uga khasaartey goobta.


”Dadka goobta isugu yimi ayaan si saraaxada u hadli karin maadaama ay murti u yihiin horjooge fulin waayay heshiisyadii hore, lagana fileyn in kuwo dambe waqti laysaga khasaariyo ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Runta ma sheegi karayn waayo hadaan hadalo waxa dhici karta in dibedda lanooga saaro magaalo ayuu yiri xildhibaan nala hadlay. Sheekada waxay iska ahayd dibuiro dhacsi ayuu raaciyay. Inkasoo fadhiidyo hore u soo fashilmey ay meesha ku dibiro dhacsadeen haddana waxa la taaban karo oo horusocoda ma jirin ayuu yiri Cali Calasow.


Qodobada ka soo baxay waxay ku tilmaameen warmutiyeed ayaa waxa ka mida in la qabyo tiro dastuurka gaalada ee lagu sheego ku meelgaadh. Kaas oo dalka jufo jufo u kala jaraya xataa xuduudo buga u yeelaya shacabka Somaliyeed, waana wax laga xumaado.


Horjooge Siciid Deni ayaa codsaday in shir kale la isugu yimaado xilli uuna fulin kii hore ee uu saxiixay, waana wax lagu qoslayo. Nadiib daro dad noocaasa ayaa horboodaya ummada Somaliyeed.

Warbixintii C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.