11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

????????????????????????????????????

Shirkii Garoowe uga socday Xasan Sheekh iyo qaar ka mida maamul goboleedyada oo fashil ku dhamaaday: warmurtiyeed+SAWIRO

Garoowe–Shirkii Garoowe uga socday Xasan Sheekh iyo qaar ka tirsan maamul goboleedyada ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo shirku ku dhamaaday fashil goobtana laga akhriyay kaliya qodobo dhamaantood khuseeya Puntland, wixii ay dastuurka ku darsatay iyo qodobo iyada u gaara sida eryaga dawladaha ku jira dawlada federaalkla oo ahaa eray Faroole ku darsaday dastuurka.

Waxa kale oo Xasan Sheekh saxiixay in ergo ayna ka imanin dhinaca Mudug oo ka qaybgasha shirka Cadado uga socda beelaha ee isaga laftiisii ku dhow fashil.

Hoos ka akhri warmurtiyeedka laga soo koobigareeyay kulankii dhexmaray C/wali Gaas iyo Cumar C/rashiid.

Khayradka;-Waxaa la isku raacay in si siman loo qaybsado Khayraadka iyo Deeaha Caalamiga ah.lana sameeyo Guddi sameeya Xeerka Khayraadka Soomaaliya.

-Waxaa la isku raacay in Puntland loo tababaro 3,000 oo Askari,ayna Kharashka bixiyaan Dawlada Federaalka Soomaaliya.

-Waxaa la isku raacay in la hirgaliyo dhamaan heshiisyada la galay.

-Waxa si wada jir ah loo dhaliilay Barnaamijka New Deal oo aan ku socon sidii loo balan qaaday.

-Waxaa la isku raacay in 2016-ka ay Doorasho ka dhacdo dalka,uusana jirin waqti kororsi.

-Waxaa lagu hershiisyay dhamaystirka Guddiga Dib u eegista iyo kormeerka Dastuurka Soomaaliya,si ay u gutaan Waajibaadkooda Qaran.

11[1]21[1]

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM