X

Shirkii Itoobiya oo geed dheer ku sii laalay rajada ictiraaf ee Somaliland

Shirkii Itoobiya ee madaxda geeska iyo bariga Afrika ku lahaayeen ayaa geed dheer ku sii laalay rajada ictiraaf ee maamulka Somaliland ka filaayay wadamada IGAD. Ingiriiska ayaa hore ugala taliyay inay ictiraafka ka raadiyaan wadamada jaarka marka hore kadib dawlada dhexe ee Somaliya.


Laakin shirkii Ingiriisku u qabtey Somalida ee fadhiid Sheekh Shariif hogaaminaayay waxa laga saxiixay sheekada Somaliya iyo Somaliland ha wada hadlaan.

Inkastoo saxaafad ahaan u fiicneyd maamulka Somaliland laakiin uma soo kordhin wax faaiido. Rajio beelka ugu weyn ayaa ku dhacay doorashadii sanadkii hore taas oo keentay kala taga maamulka iyo mucaarad hubeysan oo dilaacay.


Isbedelka Itoobiya ka dilaacay wuxuu xirey isku halayntii ay ka qabeen in Itoobiya xageedana ka wado ictiraaf raadinta. Shirkii madaxda waxa ka soo baxay in dhulka iyo madax banaanida Somalidu tahay lama taabtaan.

Meel ay ka soo baxeen war murtiyeed sidaasa wax hadal ah uma yaalo maamulka Muuse Biixi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.