Shirkii Kismaayo ee maamul goboleedyada Koofurta Somaliya ayaa dib u dhacay sida wararka ka imanaya Kismaayo ay sheegayaan. Shirkan oo waqti lumis ahaa ayaa la sheegayaa in uu dib u dhacay.
Wararka hadda nasoo gaarayo ayaa sheegayo inuu shirkaas baaqday kadib markii madaxdii Maamul Goboleedyada ee Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland ay gaari waayeen Magaalada Kismaayo.
Waxaa jiro warar sheegayo inuu kulankaas u baaqday arrimo xagga diyaaradaha isla markaasna ay madaxda Maamul Goboleedyada heli waayeen diyaarad ay usoo raacaan Kismaayo.
Axmed Madoobe Ayaan si rasmi ah uga hadlin dib u dhaca shirkaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS