November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

????????????????????????????????????

Shirkii Kismaayo oo wax go’aana laga soo saarin maxaase saxaafada loo sheegay: SAWIRO

Shirkii Kismaayo uga socday kooxaha Somalida ayaan go’aan laga soo saarin waxana wufuudii halkaas joogtey dib ugu noqdeen goobihii ay ka yimaadeen. Raiisal wasaaraha oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in halkii hore la isaga soo dhawaaday wuxuuse diidey in uu qariyo fashilka ku yimi oo u badnaa danaysi kooxeed.

Rasiisal wasaaraha oo sii hadlay ayaa sheegay in dawlada federaalka ay dib ka soo sheegi doonto xilliga uu dhacayo shirka kan ku xiga oo aan la garanayn halka uu ka dhacayo iyadoo reer Baydhabo rabaan in uu ka dhaco xaruntooda.

Raysalwasaarada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo saxaafada kula hadlay Guriga Martida ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay Shirkii ka furmay Magaalada Kismaayo 14-kii Janaayo in uu hakad galay uuna jiri doono Shir kale oo si dhaqso ah la iskugu iman doono.

Raysal-wasaaraha oo u muuqday mid deg degsan ayaa saxaafada u sheegay in meel wanaagsan la isla soo gaaray, Inta yar ee la kala maqnaan doonana lagu dhameyn doono inta harsan.

 

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS