21/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Shirkii maamul u samaynta gobolada dhexe oo markale dib u dhacay inuu furmo iyo sababta

Cadaado–Shirkii maamul u samaynta gobolada dhexe ee manta oo Sabti ah ka furmni lahaa Cadaado ayaa lagu soo waramayaa in uu dib u dhacay iyadoo ay jiraan sababo badan. Masuuliyiinta magaalada Cadaado ayaa sheegay in xagooda waxkasta ay diyaar ka yihiin laakiin ay jiraan sababo kale.

Ciidamo ka socda AMISOM ayaa maalin ka hor gaaray Cadaado, si ay uga qeyb qaataan sugida amniga, waxaana shalay magaalada tagay Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda iyo wafdi ka socda Midowga Yurub oo indha indheyn ku sameynayay halka shirka ka dhacayo.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta la filayaa inuu gaaro magaalada Cadaado, iyadoo socdaalka Wasiirka qeyb ka yahay diyaar garowga shirka loogu jiro.

Warka ayaa iskugu soo biyo shubtey in wufuudii iman lahayd ayna wali soo xaadirin intooda badnayd taasina ay keentay dib u dhaca.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS