X

Si qaldan ayaa wax la iigu sheegay markaan ka hadley imtixaanka Puntland: Wasiir Goodax

Wasiirka waxbarashada ee dawlada dhexe ayaa ka laabtey hadal u ka jeediyay Jawhar oo uu ku sheegay in imtixaanada Puntland ay fashilmeen. Maamulka Puntland ayaa iyaguna sheegin inay warkaas haynin.


“Adeer wax ka jiraa ma jiraan, wasiirku isagaa laga rabaa in uu caddeeyo oo sheego meesha uu ku fashilmay, isagaa laga rabaa in uu keeno caddeyn, Puntland imtixaankeedii sidii loogu tala-galay buu u socdaa, maalintii koowaadna wuxuu ku dhammaaday si aad u sharafleh meel dhibaato ka jirtayna ma jirto”. ayuu yidhi wasiir Cabdullaahi Maxamed.


Wuxuu intaa ku daray in aysan jirin wax xiriir ah uu maamulkiisa la soo sameeyay Wasiir Goodax Barre, Imtixaanka ay sida gaarka ah u qaadanayaanna aaney jirin wax dhibaata ah oo qabsatay.

Wasiir Goodax oo saxaya halka qaladku ka yimi ayaa isna sheegay in si qaldan wax loogu sheegay hadalkaasina yimi mar uu la hadlaayay waalidiinta ku sugan magaalada Jawhar.

” Xogta qaldan ayaa eheyd in madaxweynaha Puntland uu Garoowe ka sheegay in la jabsaday Imtixaanka Puntland, sidaasna uu u sheegay ardeydii Jowhar ee uu khudbada u jeedinayay, isagoo aan iska hubin hadalka ayuu yiri Wasiir Goodax


Dhawaan ayay ahayd markii la helay jawaabaha imtixaan la qaadi rabay, waxana ilaa hadda dawladu ku dadaalaysaa inay hesho cidii fashilisay imtixaanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.