X

Si qunyara ayuu u socdaa dhexdhexaadinta Sucuudiga iyo Iiraan: Bakistaan

Wasiirka kooowaad ee dalkaasi Bakistaan Cimraan Khaan ayaa sheegay in si qunyara ay u socoto wadahadalada uu Maraykanku naga codsaday ee aan ka dhex wadno wahaabiyada Sucuudiga iyo Shiicada Iiraan ayuu yiri waraysi uu bixiyay.


Wadahadalkan Maraykanku ka codsaday Bakistaan inay dhexdhexaadiso Sucuudiga iyo Iiraan ayaa soo bilowday sanadkii hore kadib markii dagaalyahanada Yaman ay dhulka dhigeen goobaha saliida ee dalkaasi Sucuudiga.

”Waxaan ku guulaysanay in dagaal aanu ka dhex dhicin Sucuudiga iyo Iiraan ayuu yiri Cimraan Khaan oo dalkiisa fiqiirka ah ay ku heleen lacag gaaraysa 10 bilyan oo Sucuudigu siiyay. ”Way socdaan laakiin si aayara ay ku socdaan ayuu raaciyay.


Wahaabiyada Sucuudiga oo dabada ku haysa Yuhuuda iyo Maraykanka ayaa rabtey in Maraykanku u dagaalamo oo weeraro Iiraan laakiin Taram aya diidey oo sheegay in faaiido ugu jirin weerarka Iiraankadibna ka dalbaday Bakistaan inuu dhexdhexaadiyo.

Si kastaba ha ahaatee labada urur diimeed ayaa halis ku ah adduunka Muslimka ah.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.