X

Xaawo Cabdi oo burburka kadib si weyn loo yaqaanay oo geeriyootay

Haweenayda samafalka ee Xaawo Cabdi ayaa ku geeriyootay magaalada Muqdisho kadib sida la sheegay xanuun degdega oo ku soo booday. Xaawo Cabdi oo ninkeedu ahaa dadka xuquuqda u dooda ayaa lagu toogtey Muqdisho, asagoo looga shikiyay inuu la shaqeeyo gaalada.


Xaawo oo caruurteeda ula baxsatay dalka dibadiisa ayaa dalka ku soo noqotey halkaas oo ay furatay xarun caafimaad oo lagu daaweeyo dadka. Waxayna ku lahayd agagaarka Afgooye.


Gabadh ka mida gabdhaheeda ayaa iyana lagu toogtey xarunta Amisom ee magaalada Muqdisho. Allaha u naxariistee Xaawi Cabdi ayaa lagu xasuustaa hawlaha ay u haysay dadka masaakiinta ah.

Madaxda qaranka ayaa tacsi u direy qoyska ay ka baxday Xaawo Cabdi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.