X

Sida keliya ee Amisom ku sii joogayso dalka waa in la helo madaxweyne cusub

Waxa burbur ku dhow qorshe ay wateen Afrikada oo ay horkacayaan wadamada askartu u joogto dalka oo ahaa in hawlgalka Amisom la hoos geeyo qaramada midoobay, taas oo dawlada hadda jirtaa si cad u diiday.


”Sida keliya ee Amisom ku sii joogayso dalka waa in la helo madaxweyne cusub ayuu yiri sarkaal u hadlay Kiiniya uuna taageeray mid ka socda Yugaandha. ”Hogaanka hadda haddii uu soo noqdo waxa Amisom ka joogi doona wax ka yar 2000 oo askari ayuu raaciyay.


Qorshaha Amisom ay rabto inay sii jaqdo dhaqaalaha xoogan ee ay ka hesho dalka iyo raaxada ay ku jirto ayaa waxa hore u diiday wadamada Ruushka iyo Shiinaha haddana waxa si khiyaama ah ugu biiray Ingiriiska oo raba inuu sumcad isku yeelo.



”Ingiriiska waa kan hogaaminaya in dalka lagu sii giijiyo cunaqataynta kamana rabno inuu qaato mowqif ka duwan kuwii uu hore u qaatay ayuu yiri sarkaal u hadlay dawlada Somaliya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.