Kadib markii dawladu sheegtay in ay korodhey tirada dadka laga helay cudurka Kooro ayaa xalay lagu bilaabay in Bandow lagu soo rogo xilliyada 8 ilaa 6 subaxnimo. Dadka badankiisa ayaa qaba in ay tahay talaabo looga qaaday dhinaca ka hortaga.
Maqaaxiyo badan oo habeenkii shaqayn lahaa ayaa albaabada loo laabay taas oo keenaysa dhaqaale xumo dadka ay saamaysay.
Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa lagu arkayay laamiyada magaalada Muqdisho, ciidamada ayaana dadka iyo ganacsatada ku qasbayay in ay guryahooda ku xarodaan, waxaa sidoo kale joogsaday isku socodka gaadiidka shacabka ee magaalada dhaxdeeda.
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho si ay u ogaadaan sida uu u dhaqan galay bandowga caawa bilowday.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS






Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay