01/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Sidee gobolada Woqooyi ee Somaliland u qaybsadeen kuraasta aqalka hoose/sare loona kala badsaday

Waxa dhawaan la filayaa in ay magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada aqalka sare u matali doona beelaha Somaliland. Xildhibaanada Aqalka Guurtida Somaliya iyo ka Golaha Wakiilada ayaa waxa la soo saaray liiska Xubnaha Aqalka Sare (Guurtida) tiradooda taasi oo ah 11 Xubnood oo Beelo beelo loo qaybsaday.

Dhanka kale xildhibaanada aqalka hoose ee barlamaanka ayaa ah 45 Kursi oo isna beelo beelo loo qaybsaday

Kuraasta Aqalka Sare Ee Baarlamanka Somaliya ay ka heleen beelaha Kala duwan ee Somaliland degaa ayaa waxa Ay Ka Kooban Yihiin 11 Kursi,

Waxaanay u kala heleen Sidan.

Sida Ay U Kala Qaybsadaan Kuraasta Beelaha Dir-Waqooyi

BEESHA ISAAQ

Aqalka sare / 8 Kursi

Cidagale / 1

Sacad Muuse / 1 Kursi

Ciisa Muuse / 1 Kursi

Habar-Yoonis / 2 Kursi

Habar-Jeclo / 2 Kursi

Arab / 1 kursi

Beesha SAMAROON

Aqalka Sare / 2 kursi

BEESHA CIISE

Aqalka Sare / 1 Kursi

Tol-jeclo / 0

Dhan kale kuraasta aqalka hoose ee Barlamaanka Somaliya ayaa waxa la siiyey dhamaan beelaha ka soo jeeda Somaliland 45 Kursi waxaanay u kala heleen Sidan

Aqalka Hoose

BEESHA ISAAQ

Cidagale / 4 Kursi

Habar- Yoonis / 6 Kursi

Habar- Jeclo / 6 Kursi

Habar-Awal / 6 Kursi

Arab / 5 Kursi

Toljecle/1 Kursi

Isku Gayn Beelaha ISAAQ 28 Kursi Barlamaan

BEESHA SAMAROON

Aqalka Hoose / 9 Kursi

Isku Gayn SAMAROON 9 Kursi Barlamaan

BEESHA CIISE

Aqalka Hoose / 8 Kursi

ISKU GYN BEESHA CIISEĀ  8 kursi Barlamaan

Tol-jeclo

Dhawaan ayaana la filayaa in magaalada muqdisho ay ka dhacdo doorashada xildhibaanada oo lagu kala bixi doono. Waxa xusid mudan in kuraastan lagu qabysaday shirarkii Jabuuti iyo Kiiniya halkaas oo dulimigan ka dhacay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS