X

Sidee lagu helay meydka gabadh Somali ah oo lagu diley Maraykanka iyo cida looga shikiyay

Waxa shalay magaalada Sandiyeego ee dalkaasi Maraykanka laga helay gabadh Somali ah oo aad looga yaqaanay Somalida dhexdeeda isla markaana lahayd ganacsi si fiican u socda gurigeeda dhexdeeda. Waana meel aanad ka filayn in wad mooyee qof kale kugu maago.


Walaasha la dhalatay Muna Kura oo ah gabadha meydkeeda laga helay gurigeeda dhexdiisa ayaa sheegtay in markey laba maalin arki weyday ay isku daydey in ay tagto gurigeeda laakiin laga furi waayay.

Waxaan kale oo aan wacay ninkeeda waanu iga qaban waayay telfoonkiisa ayay tiri. Waxa taas ka daran Muna Kura oo ganacsigeedu yahay daryeelida caruurta waalidkoodu shaqeeyo oo ah shaqo gabdho badan oo Somali ah furteen in waalidiintii markey isku dayeen inay caruurtii keenaan ay u yimaadeen goobtii oo xiran.


”Markaan si kasta yeelay ayaa u wacay ninka guriga leh si uu iigu furo guriga, waxaanse qaracana in aan arko walaashey oo inta sare dhaawacyo ku leh oo meyda. Waxaan wacay booliiska oo goobtii xirey meydkana ku bilaabay baaritaan.

”Waxaan qabaa in dilkeeda uu ka dambeeyo ninkeeda oo booliisku sheegay inay rabaan inay la hadlaan ilaa hadana ayna u suurtoobin inay ogaadaan halka uu joogo.


Bulshada Somalida ee halkaas degan oo isku duuban ayaa si murugo leh iskugu soo baxay guriga horteeda si ay ugu tacsida u gaarsiiyaan ehelada Muna waxna ka ogaadaan dilkeeda.

Lama garan karo haddii ninkeedu masuul ka yahay waxa sababay ayadoo dadka badankiisu qabo inay la xiriirto dhinaca ganacsiga iyo lacagta ka soo gasha.


Si kastaba ha ahaatee waxa la ogaadan doonaa marka gacanta lagu dhigo.

Sawirka hoose waa MUNA KURA Allaha u naxariisto

Warbixintii Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.