X

Sidee loo qaybiyaa mashruuca lagu naaxiyo maamulka Somaliland

Sidee loo qaybiyaa mashruuca lagu naaxiyo maamulka Somaliland. Mashruuca oo loo yaqaan sanduuqa horumarinta Somaliland ayaa waxa faraha kula jira dawlado u janjeera gooni goosadka jeegaanta ee Somaliland.

Hadaba mashruucan oo faraha loo geliyay halka beel si loogu naaxiyo ayaa beeshuna ugu takrifashey magacii dhanaa sidan soo socota.



Gobolada ISAAQU dego waxa la siiyay isku celin 55 milyan oo doolar halka sadexda gobol ee ISAAQU degina la siiyay 9 milyan isku celin, halka mashruuca lacagtiisu tahay 64 milyan oo dollar.

Waxa yaableh Gebiley oo aan ku jirin gobolada maamulka inay ka lacag badan tahay gobolka Awdal ee iyaga lagu yiraa waxa tihiin hooyada Somaliland.



Isku celicelinta lacagtaas ayaa ah sidan soo socota.

Hargeysa 46%

Togdheer 16%

Saaxil 14%

Gebiley 9%

Awdal, Sooo iyo Sanaag waa 5%.

Dhinaca kale haddii aan eegno lacag ahaan waxay noqonaysaa sidan hoos ku qoran



Hargeysa 29 milyan doolar

Togdheer 10 Milyan

Saaxil 8.9 milyan

Gebiley 4.14  milyan

Awdal, Sanaag iyo Sool waa 3.2 milyan

Soo diyaarintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.