X

Wiil Soomaali ah oo lagu dhex dilay xabsi ku yaala London: SAWIRO

Wiil Soomaali ah ayaa lagu dhex dilay xabsi ku yaala London.

Qoyskiisa waxa ay u maleynayeen in uu ku badbaadi ogyahay xabsiga dhexdiisa kadib caqabado uu kala kulmay banaanka , balse hadda waxa ay ku jiraan baroordiiq.



Afar qof ayaa loo xirxiray dilka Khadar Saalax oo lagu dhexdilay xabsiga Wormwood Scrubs ee galbeedka London.

Dilkiisa ayaa waxaa loo adeegsaday toori, iyada oo booliiska ay sheegeen in dhaawacyo xunxun ay jirkiisa ka muuqdeen.



Saciid Yuusuf oo ah wiilka ka weyn Khadar ayaa sheegay in dilka dhacay uu qoyska ku reebay tiiraanyo iyo murugo.

“Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo nolosha rajo badan ka leh, mardhow ayuu guursaday, waxaana loo hayay hal wiil” ayuu yiri Siciid.

Waxa uu intaas ku daray in 7 jeer toorida lagu dhuftay wiilka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.